Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeryooday halka ay ku dhaawacmeen in kabadan 21 dhul-gariir ka dhacay dalka Turkiga gaar ahaan gobolka Van oo dhaca xuduuddda uu Turkigu la wadaago Iiraan sida uu warbaahinta u sheegay Sulaymaan Soylu wasiirka arrimaha gudaha Turkigu.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, ayaa sheegay in dadka dhintay ay kamid ahaayeen saddex carruur ah iyadoo ay ku burbureen dhismeyaal kor u dhaafaya kun dhisme.

Kooxaha samata-bixinta iyo kuwa gurmadka degdeg ah, ayaa wada badbaadinta dadka ay dhismeyaashu kusoo dumeen iyo dadka uu saameeyay, iyadoo cabbirka dhul-gariirkan lagu qiyaasay 5.7 cabbirka lagu qiyaaso dhul-gariirrada.

Warbaahinta Turkiga ee TRT World, ayaa sheegtay inuu dhul-gariirkani saamayay 43 tuulo, iyadoo ay Iiraaniyiintu sheegeen in kooxo gurmad loo diray si ay uga qayb-qaataan hawsha.

Ma aha markii ugu horraysay ee uu dhul-gariir ka dhaco dalka Turkiga .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga