Madaxweynayaasha Dalalka Turkiga Iyo Ruushka Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Suuji Ee Dalka Ruushka, Ayaa Si Wada Jir Ah U Sheegay in ay is Afgarad Ka Gaadheen Xaaladda Dagaal Ee Deegaanka Idlib. Labada Madaxweyne Ayaa Sheegay In Ay Isku Waafaqeen in Deegaanadaasi Laga Sameeyo aaga Ka Caaggan Dagaalada.

Madaxweyne Putin, Oo Ka Hadlayay Shir Jaraa’id Oo Uu Si Wada Jir Ah Ula Qabtay Dhigiisa Turkiga, Waxa Uu Sheegay In 15 Ka Bisha Oktoobar La Abuurayo aaggaasi Ka Caaggan Dagaalka, Ee Uu Kula Heshiiyay Madaxweynaha Turkiga. Waxaana uu Sheegay In aaggaasii ay Masaaxadiisu Noqonayso 15 Km, Taasi Oo Labada Dhinac Ee Dagaalka Ka Wada Deegaanada Idlib ay Ka Mamnuuc Tahay In ay Ku Dagaalamaan.

Dhankiisa Madaxweynaha Turkiga, Ayaa Sheegay In Ruushka Uu Kala Shaqayn Doono In Masaafadaasi Ka Caaggan Dagaalku aanay Ka Dhicin Wax Iska Hor Imaad Ah. Waxaana Uu Sii Raaciyay In Ciidamada Turkiga Iyo Ruushku Ay Dusha Kala Soconayaan Inuu Heshiiskaasi Dhaqan Galo.

Madaxweynaha Turkiga, Ayaa Sheegay In Dagaalada Deegaanadaasi Kasoo Cusboonaaday aad U Dhaawacayaan Amniga Dalkiisa, Waxaana Uu Sii Raaciyay In Jabhadda Kurdidu ay Tahay Cidda Ugu Weyn Ee ay Uga Cabsi Qabaan In ay Amni Darro Ka Gaystaan Gudaha Turkiga.

Ruushka Iyo Turkiga, Ayaa Kala Taageera Nidaamka Suuriya Iyo Mucaaradka, Waxaana Labada Dhinac Uu Mid Kasta Dhanka Uu Gacan Siiyo Ku Qasbayaa Inuu Dib U Noqdo Masaafo Gaadhaysa 10 Km, Si Loo Dhaqan Galiyo Heshiiska.iyaga oo Kormeer ku samaynay doona Sida ay Labada Dhinac ugu Hoggaansamaan Heshiiska. Marka La Gaadho 10 Ka Oktoobar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga