Xildhibaanada Gollaha Wakiilada Somaliland Ayaa Si Adag Uga Horyimid Lacag Ay Xukuumadu Kusoo Rogtay Bedelaada Taarkada Cusub Ee Gadiidka.

Xildhibaanada Naasir Cali Shire Iyo Xildhibaan Maxamed Saalax Oo Ka Tirsan Gollaha Wakiilada Ayaa Si Adag Oo Sharci Ah Uga Horyimid Lacagta Ay Wasaarada Maaliyada Somaliland Kusoo Rogtay In Lagu Bedesho Taarikada Cusub Ee Gadiidka.

Labada Xidhibaan Ayaa Dhaliilay Lacagtan oo ay ku tilmaameen mid aan Sharci Ahayn.

Xildhibaanada Ayaa Sheegay In aanay Wasaarada Maaliyada Somaliland Lahayn Awood Ay Ku Waajibinayaan Lacago Cusub, Iyaga Oo Soo Dhaweeyay In Taarikadda Gadiidka La Badalo Hadana Waxaa Ay Meesha Ka Sareen Lacagta Wasaarada Maaliyadu Ay Soo Saartay Ee Shacabka Lagu Waajibinaayo.

Xukuumadda Somaliland Ayaa Dhawaan Soo Bandhigtay Taariko Cusub Oo Lagu Badalayo Taarikadii Hore Gadiidku U Isticmaali Jireen, Iyada Oo Gadiidlayda Somaliland Ku Amartay In Ay Ku Bedelaan Muddo Lix Bilood Ah.

Wasaaradda Maaliyada Ayaa Sheegtay In Calaa Gaadhi Loogu Badali Doono Taarikada Lacag Gaadhaysa 60-Dollar Oo U Dhiganta 600.000 Oo Shilinka Somaliland Ah Balse Sharci-Yaqaanada Somaliland Ayaa Sharci Darro Ku Tilmaamay Arintani Iyaga Oo Sheegay In Baarlamaanka Somaliland Lacagta Intaas Leeg Soo Rogi Karo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga