Dawladda Ethiopia Iyo Ururka Onlf Ayaa Talaadadii Shalay Wadahadal Uga Furmay Magaalada Asmara Ee Dalka Eritrea. Labada Dhinaca Ayaa In Muddo ah ay Wadahadallo U Socdeen, Hase Yeeshee, Mar Walba U Dib U Dhac Ku Imanayey.

Wafdiga Isku Dhafka Ah Ee Dowladda Itoobiya Ku Matalaya Wadahadalka Waxaa Hoggaaminaya Wasiirka Isgaarsiinta Axmed Shide, Waxaa Kale Oo Ka Mid Ah Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumar Cagjar Iyo Xubno Kale Oo Ka Tirsan Mas’Uuliyiinta Maamulka Soomaalida.

Jabhadda Onlf Waxaa Wada-Hadalka Uga Qaybgalay Xubno Sare Oo U Hoggaaminayo Guddoomiyaha Jabhadda ,Admiral Maxamed Cumar .

Wada-Hadallada Itoobiya Iyo Onlf Ayaa Ku Soo Beegmaya Xilli Dhawaan Dowladda Itoobiya Ay Cafis U Fidisay Urarradii Mucaaradka Ahaa Ee Dowladda Kasoo Horjeeday Isla Markaasna Ay Ka Saartay Liiska Argagixisada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga