Raysalwasaaraha xukuumada federaalka ee Soomaaliya ayaa safar dhanka dhulka ah ugu baxay magaalada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo uu wehelinayo madaxweynaha Hirshabeele, Cali Guudlaawe.

Maxamed Xuseen Rooble, ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tegay deegaanka wuxuuna kala kulmay soo dhawayn baaxad ballaadhan.

Wadada isku xidha Muqdisho iyo Balcad ayaa dhawaan la sameeyay iyadoo qaybta hadhayna gacanta lagu hayo.

Rooble wuxuu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo hacabka deegaanka, isagoo ay wehelinayaan saraakiil kale oo xukuumaddiisa iyo tan Hirshabeele ka tirsan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga