Poland waxay eedaynaysaa madaxweynaha Ruushka oo ay ku tilmaamayso in uu ka danbeeyo qaska ka jira xadka ay la wadaagto dalka Pelarus, halkaas oo boqolaal muhaajiriin ah ay Poland ku hor taagantahay maalmihii tegay.

Waa muhaajiriin ay ka mid yihiin Soomaali ka tagtay Turkiga iyo wadamo kale oo raba in ay u tallaabaan dhanka galbeedka Yurub.

Raysalwasaaraha Poland uwxuu Putin ku eedeeyay in uu si shakhsi ah dabada uga riixayo rabshadaha qaxootiga si loogu cambaareyo Poland.

Poland waxay sheegtay in qaska uu ka danbeeyo madaxweynaha Pelarus oo dadkan ku fasaxay dhanka Poland, balse uu amarka ka helay madaxweynaha Ruushka Putin oo xidhiidh dhow ay leeyihiin, waa sida ay ahdalka u dhigtaye.

Madaxweynaha Pelarus wxuu beeniyay eedaymaha loo jeedinayo ee ah in uu dadkan kaga aargoosanayo cuno qabataynadii aykusoo rogeen MidagaYurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga