Hubka ay Iran siiso kooxda ay gacan saarka leeyihiin ee Xuutiyiinta ayaa qayb ahaan u tallaaba dhanka Soomaaliya, sida lagu ogaaday baadhitaano muddo la waday oo imika lasoo ban dhigay.

Ururka Ka Hor Taga Danbiyada Abaabulan ee Xiliyada Kala Guurka oo fadhigiisu yahay magaalada Geneva ayaa dhawana sii daayay warbixin dheer oo arintan la xidhiidha.

Muddo sided bilood ah oo baadhitaanka la waday waxa lagu diwaan galiyay hub lagu sheegay 400 oo noocyo hub kala duwan ah oo lagu arkay 18 deegaan gudaha Soomaaliya, dhammaantoodna ah hubka Iran ee ay ku dagaalamaan Xuutiyiinta Yemen.

Hubka ayaa lasoo mariyay biyaha Gacanka Cadan, halkaas oo doonyo kala duwan lagusoo raray iyadoo laga dejiyay deegaano kala duwan oo ku dhereran xeebaha Badda Cas, halakas oo aanay jirin cid ilaalisa ama ciidamo Soomaali ah oo leh awoodda ay ku iaalin karaan xeebta dheer ee Soomaaliya. Xili Soomaaliya ay tahay dalka ugu xeebta dheer wadamada qaaradda Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga