Golaha Wadatashiga ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhawaan ku kulmaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoo sii anba qaadi doona arimaha qabsoomida doorashada.

Raysalwasaare Rooble, madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Benaadir ayaa Sabtida todobaadka danbe shir ku yeelanaya Muqdisho, iyadoo shirkan lagu damacsanyahay in lagu dar dar galiyo hawlaha doorashada oo imika aanay ka taagnayn wax khilaaf ahi.

Golaha waxa warbixin siin doona gudida farsamada ee doorashada oo imika wada qorshaha doorashada.

Shirka ayaa sidoo kale lagag hadli doonaa arinta xal u helida Gado oo gudi wasiiro ah la gayn doono.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga