Soomaaliya waxa lagu daray wadamada ugu halista badan dunida ee caruuri ay ku nolaato, sida lagu tilmaamay warbixin dhawaan kasoo baxday Qaramada Midoobay.

Liiska ay Soomaaliya ku jirto waxa kula jira wadamo ay mid yihiin Koongo, Afkaanistaan iyo Siiriya oo dhammaantood lagu sheegay in caruurta ay halis ku tahay ku noolaanshaha wadamadani.

Qaramada Midoobay waxay qiimaynteeda ku salaynaysaa tacadiyada soo gaadha caruurta ku nool wadamadan iyo sidoo kale helida daryeelka ay mudanyihiin caruurtu.

60% guud ahaan tacadiyada ka dhaca dunida ee ka dhanka ah caruurta ayaa ka dhaca wadamada ay liiska ku xustay Qaramada Midoobay.

Warbixinta waxa lagu sheegay in sanadkii hore 2020 la diwaan galiyay in tacadiyada ugu badan ee ku dhacay caruurtu ay ahayd in la askariyeeyo iyadoo loo adeegsaday colaadaha ka aloosan wadamada Soomaaliya, Koongo, Afkaanistaan, Suuriya, Burkina Faso, Mynmar iyo Cameroon.

Qaramada Midoobay waxay ku warantay in dalka Soomaaliya uu yahay halka ay ka dhaceen tacadiyada ugu abdan uguna xumi inta ay diwaan galiyeen. Waxay carabka ku dhufteen kooxda alShabab oo ay ku eedaysay in ay caruur badan dagaalada u adeegsatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga