Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dabaylo iyo roobab is wataa ay ku wajahanyihiin gobolka Bari ee maamulkaas, sida ay sheegayso saadaasha cimiladu.

Saaraakiisha gobolka Bari ayaa dadka degen xeebaha gobolka Bari ugu baaqay in ay ka fogaadaan dhulka xeebaha ah oo la filayo in ay samaeeyaan dabaylaha iyo roobabku, iyadoo heegan la galiyay maamulada deegaanada xeebaha.

48-ka saacadood ee soo socda ayaa la filayaa in roobabku ay soo gaadhaan gobolka Bari gaar ahaan dhulka xeebta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga