Madaarka Kabul waxa ka jira qas badan iyadoo ay u ahyad maalin kale oo kumanaan qof ay isku dayayaan in ay ka baxsadaan Daalibaan.

Maraykanka ayaa uuga digay dadka u dhashay in ay ka ag dhwawaadaan madarka Kabul, maadaama saxmadda madarku ay tahay mid saraysa, isla markaana ku dhawaad 10 qof ay ku dhinteen dad is jiidhay xayndaabka madaarka caalamiga ah ee xamid karzai.

Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa ku baaqaya in la kordhiyo dedaalada daad guraynta iyadoo kumanaan qof laga qaaday Kabul, lana gaadhsiiyay Yurub iyo Ameerika.

Joe Biden, madaxweynaha Maraykanka ayaa wajahaya cadaadiskii iyo cambaarayntii ugu culslayd kadib go’aanka uu ciidamadiisa kaga saaray Afkaanistaan.

Waxa loosoo jedinayaa in uu kordhiyo mudada ay ciidamadiisu sii joogayaan gudaha Afkaanistaan oo ku eg dhammaadka bishan.

Raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair iyo madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donlad Trump, ayaa musiibo ku tilmaamay in Maraykanku ciidamadiisa ka saaro Afkaanistaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga