Dagaalamyaasha Daalibaan waxay ku wajahanyihiin dooxada Panjshir oo fadhi u ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Afkaanistaan oo kasoo hor jeeda xukunka Daalibaan.

Waa waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul halkaas oo ay ku suganyihiin xoogag ka mid ah ciidamadii Afkaanistaan, oo raba in ay dagaal toos ah la galaan ciidamada Daalibaan ee la wareegay talada dalka Afkaanistaan.

Panjshir waxay ka mid tahay degaanad kooban ee weli aanay kooxda Daalibaan, iyadoo sidoo kale bariga Afkaansitaan ay ku suganyihiin ciidamadii hore ee dalkaas ee madaxweyne Ashraf Qaani.

Madaxweyne ku xigeenkii dawladdii Afkaanistaan ayaa ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha dalkaas maalmo ka hor isgaoo si adag u diiday in Daalibaan ay dawlad dhisto.

Wuxuu urursaday ciidamo u daacad ah, isagoo diiday dedaalo dhex dhexaadin ah kuna goodiyay in uu Daalibaan meesha ka saari doono.

Axmed Mascuud wuxuu intaa ku daray in ciidamadiisu ay dagaal diyaar u yihiin, isla markaana diideen wax wada hadal ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga