Madaxweynihii hore ee dalka ku yaala koonfurta qaaradda afrika ee Zimbabwe ayaa geeriyooday, kadib muddo uu xanuun u jiifay.

Mr. Mugabe oo ku caan ahaa xornimo-doonkii dalkiisa, ayaa ahaa da’da 95.

Waxa lagu amaanaa in uu balaadhiyay caafimaadka iyo waxbarashada dalkiisa mudadii uu u talinayay, bale waxa jiray cadaadis xoogan oo uu sanadadii danbe wajahayay taas oo ka dhalatay dhaqalaha waddanka oo hoos u dhacay.

Mugabe ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka Singabuur.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga