Sudan waxay markii ugu horeysay yeelatay golahaeeda wasiirada, tan iyo intii xukunka laga tuuray madaxweynihii mudad adheer u talinayay ee Cumar Xasan alBashir.

Raysalwasaaraha Sudan, Abdallah Hamdok, ayaa magacaabay 18 wasiir oo noqon doona golaha wasiirada cusub. Wuxuu sheegay in laba xubnood oo kale uu soo magcaabi doono.

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa ka mid ah wasiirka arimaha dibadda sudan oo taariikhda markii koobaad laga dhigay haweenay hore ugasoo shaqysay baanka aduunka.

Raysalwasaare Hamdok, wuxuu tibaaxay in bog cusubi uu u furmay sudan. Isagoo balanqaaday in ay si dhahso ah uga shaqayn lahaayeen soo clinta xasiloonida waddanka, iyo wax ka qabashada dhaqaalaha sii liicaya.

Sudan ayaa si gaabis ah ugasoo kabanaysa rabshadihii bilaha ka jiray gudaha waddanka, oo badi curyaamiyay hawlihii dawladda iyo dhaqaalaha gudaha.

Dawladdan cusub ayaa qayb ka ah heshiis ay wada galeen dhinacyada mucaaridka iyo milatarigii talada ka tuuray albashir. Kuwaas oo ku heshiiyay in ay saddex sanno talada hayaan, isla markaana la qabto doorasho qof iyo cod ah si dadku ay usoo doortaan hgaan rasmi ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga