Dhimashada 11 qof ayaa la xaqiijiyay gudaha dalka Hindiya kadib markii dab xoogani uu qabsaday mid ka mid ah cisbitaalada lagula tacaalayay bukaanada safmarka Covid19.

Waa gobolka Maharashtra ee galbeedka waddanka Hindiya halkaas oo saamayn wayn uu ku yeeshay safmarka Covid-19.

Illaa 17 bukaan ayaa jiifay waadhka uu ka qarxay dabku, sida uu xaqiijiyay badhasaabka gobolka oo la hadlay telefishanka dawladda. Waxaana dadka kale loo qaaday cisbitaalo kale.

Weli la aoga waxa sababay dabkan ka kacay waadhka cisbitaalkan, balse laamaha kala duwan ee dawlada ayaa sheegaya in ay baadhitaano ku aadan waxa sababay dabka.

Marka laga tago mashaqada dhimashada, dabkan ayaa gabi ahaanba burburiyay waadhka iyo qalabka yaalay oo ay ka mid ahaayeen kuwa naqaska iyo qalab kale oo loogu talo galay bukaanada uu soo rito xanuunka Covid-19

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga