Raysal-wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskii kulan kula qaatay, hoggaamiyaha xisbiga WADAJIR Cabdirraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Qoraal uu soo saaray raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaas oo ay daabacday warbaahinta Muqdisho ayuu ku yidhi sidan:

“Waxaan Maanta kulan Qiimo leh aan wada yeelanay Hugaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame oo aan wada Gorfeeynay Arimo badan oo ay ugu horeyso sidii lagu qaban lahaay Doorasho aan waqtigeeda dib uga dhicin,”

Isagoo hadalkiisa sii wata mudane Rooble raysal-wasaaraha cusub waxa uu yidhi:

“Xaafiiskeygu waa mid 24 ka saac gacmo furan kusoo dhaweynaayo Saamileyda Siyaasadeed,”.

Kulanka maanta ee raysal-wasaare Rooble la yeeshay hoggaamiyaha xisbiga WADAJIR mudane Cabdishakuur, ayaa imanaysa kadib markii golaha shacabka Soomaaliya ay siiyeen codka kalsoonida ah.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga