Waqooyiga Kuuriya waxay dishay sarkaal ka tirsan dalka ay jaarka yihiin, siyaasad ahaanna ay is hayaan ee Koonfurta Kuuirya.

Askar ka tirsan Waqooyiga Kuuriya ayaa qabtay oo toogtay sarkaalka kadibna dab sudhay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Koonfurta Kuuriya.

Sarkaalka ayaa la waayay in muddo ah isagoo saarnaa doomaha ilaalada ee xadka u dhaxeeya labada Kuuriya. Mar danbe ayaa laga helay biyaha Waqooyiga isaga oo la dilay kadibna la gubay.

Dawladda Koonfurta Kuuriya waxay falkan ku tilmaantay mid waxshinimo ah.

Waa falkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo muddo ka dhaca xadka labada Kuuriya. Mudooyinkii danbe waxa daganayd xiisadda labada dal, iyadoo tan iyo sanadkii tagayna ay tallaabooyin muhiim ah dhanka nabadda u qaadeen dhinacyadu.

Waqooyiga Kuuriya kamay hadal wali arintan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga