Itoobiya Ra’iisal-wasaare, Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in rabshadaha dalkaasi ka dhacay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ahaayeen buu yidhi ”isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaallo sokeeye”, balse ay fashiliyeen.

Raysal-wasaare Abiy, ayaa sidan sheegay mar uu ka hadlayay kulan uu la yeeshay saraakiisha ciidamada iyo madaxda rayidka, kulankaasi oo uu baahiyay telefishanka ETV.

Telefishanka ETV ayaa sheegay in 87 qof oo ay ku jiraan 4 saraakiil ciidamada ahi ay ku nafwaayeen rabashadihii Itoobiya ka dhacay.

Rabshadaha, ayaa ka dambeeyay geerida fannaan qowmiyadda Oromada caan ka dhex ahaa, kaas oo lagu dilay magaalada Addis Ababa.

Khadka Internet-ka, ayaa go’an meelo kamid ah Itoobiya tan iyo Salaasadii iyadoo fannaankana lagu aasay Ambo oo Addis Ababa u jirta 100 Km qiyaastii.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga