Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan, ayaa xaqiijisay maanta oo Jimce ah in Lou Chen-hwa, imikana ah lataliye ka ah xafiiska dhaqaalaha iyo dhaqanka ee Taipei ku leedahay Sacuudi Carabiya uu qaban doono xafiis-wakiileedkooda Somaliland.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan oo magaciisa layidhaa Joanne Ou, ayaa xaqiijisay magacaabistan, kadib markii warbaahinta guduhu ay si wayn u faallaysay, sida ay daabacday warbaahinta ”Focus Taiwan”.

Warbaahinta Focus Taiwan waxay sheegtay in afar diblumaasi oo reer Taiwan ahi ay illaa bishii February ku sugnaayeen Somaliland, kuwaas oo diyaarinayay xafiis-wakiileedka ay Taiwan ku yeelan doonto Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Jospeh Wu ayaa maalintii Arbacada si rasmi ah u xaqiijiyay xidhiidhkooda Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga