Wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna ayaa qortay in mid kamid ah horjoogeyaasha kooxda Alshabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya.

Warka ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya ee Sonna, ayaa lagu yidhi:

Horjooge Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole magaciisa afgarashada loo yaqaano {Caato} oo maleeshiyaadka al-shabaab u qaabilsan maaliyaada Gobolka shabeelaha hoose ayaa isku soo dhiibay Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab.

Kadib markii uu u adkeysanwaayay dhibtaada nololeedka ee ay kujiraan maleeshiyaadka argagixisada iyo tan ay ku hayaan Ummadda Soomaaliyeed,ayuu horjoogahaasi go’ansaday in uu ku dhaqaaqo tallaabadaasi.

Taliyaha guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in horjooge Caato ay soo dhaweeyay islamarkaasna ay u gudbindoonaan Hay”adaha ku shaqadaleh.

Marka laga yimaad warkan ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya, ma jiraan ilo dhexdhexaad ah oo Saab TV u xaqiijiyay isa soo dhiibidda horjoogahan.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga