Ra’isal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shahaado sharaf ku maamuusay mid ka mid ah ciidamadda Booliska ee Gobolka Canfarta.

Askarigan oo lagu magacaabo Siraj Abdalla ayaa todobaadkan qabsaday warbaahinta, ka dib markii  uu koox budhcad ah ka diiday aduun lacageed oo gaadhaa 40,000 oo Bir “Waxa aan diiday laaluush,maxaa yeelay waxa ay wax yeelaysay mustaqbalka wadankayga Ethiopia” ayuu u sheegay EBC

.

Ra’isal Wasaare Abiye Oo Siraj ku Qaabilay xafiiskiisa ayaa ku tilmaamay in uu yahay geesi,waxaanu xusay in uu tusaale nool u yahay saaxiibadiisa kale, kaas oo uu ugu baaqay in lagaga daydo geesinimadda.

Siraj Abdalla ayaa lacagtan ku diiday koox damacsanayd in ay hub geliyaan dalkaasi, waxaanu halkaasi ku fashiliyay hawl galkii ay wadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga