Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa la gudoonsiiyay abaal-marin caalami ah oo la xidhiidha dhanka hogaanka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada NewYork ee dalka Maraykanka halkaas oo uu kaga qayb galayo shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Abaal-marintan oo lagu magacaabo Concordia Annual Leadership Award ayaa sanad walba la bixiyaa. Waxaana madaxweyne Farmaajo ku wehelinayay sanadkan madaxweynayaasha wadamada Itoobiya iyo Eretariya oo iyagana lagu ammaanay dedaalada ay ka sameeyeen gobolka ee dhanka nabadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga