Muqdisho:(SAABTV)- Madaxweynihii hore ee Somaliya,Sheekh Shariif Sheekh Ahmed,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ee Dalka Somaliya,ayaa si kulul uga hadlay is-hor-joog lagu sameeyay Diyaarad shalay isaga iyo Saraakiil Xisbiggiisa ah u qaadi la’hayd Magaaladda Kismaayo,halkaa oo uu kaga qeyb-galayay  Caleemo-saarka Madaxweyne Ahmed-Madoobe.

Gudoomiyaha Xisbigga Himimo Qaran,waxa uu sheegay in Masuuliyiin sheeganaya inay sanaddo badan ku soo noolaayeen Dalalka sharcigu shaqeeyo ee Maraykanka iyo Ingiriiska inay hadana Shuruucda Dalka ku tuntaan ay tahay mid aan la aqbali karin.

Waxa uu kale uu sheekh Shariif sheegay in markii ka shaqaynayay sidii Ku-meelgaadhka looga bixi lahaa,isla-markaasna nidaam-is-doorasho oo hufani Dalka uga dhici la’haa ay dad badani kula taliyeen inuu Xukunka is-ka-sii-joog,maadama uu muddo dheer soo jabhadaynayay,balse uu taas ku gacan-saydhay.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo inuu ka waantoobo talaabooyinka wax dhimaya geedi-socodka Nabadda Somaliya iy dib-u-heshiisiinta.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga