Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi ballaadhan oo hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya, Ra’iisal-wasaare Xamse iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wadahadli doonaan xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Wafdiga Ra’iisal-wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

“Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada,” ayaa lagu yidhi warkan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga