Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Iran iyo Turkiga Hossein Amir-Abdolahian iyo Hakan Fidan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran ayaa ka wadahadlay sidii sare loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya labadooda waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo safarkiisii u horeeyey ku Tegan dalka Iran tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay bishii June ee sannadkan 2023, ayaa kulanka uu la qaatay dhigiisa dalkaasi waxa kaloo ay iskula soo qaadeen qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha khuseeya horumarinta caalamiga ah iyo danahooda guud ee khuseeya xidhiidhka laba geesoodka ah uu dhexeeya Turkiga iyo Iran.

Wasaaradda Khaarajiga Turkiga oo war ka soo saartay kulanka magaalada Tehran ku dhexmaray labada Wasiir arrimo dibadeed ayaa waxay sheegtay in Turkigu uu xidhiidh qoto-dheer oo taariikhi ah la leeyahay dalka Iran, isla markaana laga wada shaqaynayo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkaasi.

Dawladaha Turkiga iyo Iran ayaa ka mid ah dalalka saamaynta siyaasadeed iyo millatari ku leh Gobolka Bariga Dhexe iyo Gacanka Beershiya, iyagoo si wada jir ah iskaga kaashada arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha horumarka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga