Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo maanta ka soo baxay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya, Labada Ra’iisal-wasaare ee Qatar iyo Soomaaliya ayaa kulankooda kaga wadahadlay xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaalanka Al-shabaab, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wadahadlay.

Waxa kaloo warkani intaas ku daray in Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya uu uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga