Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo qabteen ragii dilay taliye Maxamed Abuukar oo ka tirsanaa ciidamada milatariga ee Danab, kaas oo ku dhintay is rasaasayn xili habeenimo ah ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha la dilay oo 34 jir ahaa ayaa qabay tababar heer sare ah, waxaana tababaray ciidamada Turkiga iyo kuwa Uganda, iyadoo sida la sheegay uu ku hadli jiray luuqado badan.

Maxamed Abuukar ayaa sidoo kale taliye u ahaa unug la tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Ragii dilay ayaa xabsiga la dhigay iyadoo laga war sugayo baadhitaanada ay ciidanku wadaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga