Raysalwasaaraha dalka Ingiriiska ayaa warqad aanu saxeexin u diray Midawga Yurub, taas oo uu ku dalbanayo in la kordhiyo mudada uu Ingiriisku kaga baxayo Yurub, kadib markii uu ku guul darraystay codka baarlamanka ee ku aadan meel marinta heshiiskii uu la galay madaxda Midawga Yurub.

Boris Johnson ayaa warqad kale oo uu saxeexay u diray Midawga Yurub, isagoo dib u dhigista ay baarlamanka dalkiisu dalbadeen ku tilmaamay ‘khalad wayn.’

Mr Johnson ayaa la halgamaya sidii uu Ingiriiska uga saari lahaa Midawga Yurub, waxaana looga fadhiyaa shaqo aad u culus, xili uu imika wax walba kasoo bilaabi doono halkii hore.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga