Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ay weheliso hay’adda lacagaha ee IMF ayaa ka wada shaqaynaya sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta balaayiinka dollar ah ee lagu leeyahay.

Xukuumadda Muqdisho ayaa wada dedaalo aan kala-go’ lahayn oo ay ugu jirto sidii Soomaaliya daynta looga cafin lahaa, maadaama dhaqaalaha waddanku uu aad liito isla markaana ay adagtahay in Soomaaliya lacagtaas bixiso sanadaha dhaw.

Bangiga Adduunka iyo hay’adda IMF ayaa Soomaaliya ka raba in ay qaado tallaabooyin dib loogu habaynayo dhaqaalaha waddanka, isla markaana kor loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta.

Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo madaxa IMF oo Washington shir gaar ah ku yeeshay ayaa ka wada hadlay dar dar galinta arimahan, iyo sidii sanadaha dhaw Soomaaliya dayntan looga masaxi lahaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga