Waa rabshadihii ugu ballaadhnaa ee muddo bilo ah ka daca magaalada Qudus oo Israel ay xoog ku haysato, iyadoo mashaqo badan lagasoo sheegayo gudaha.

Falastiiniyiinta iyo kooxaha midigta fog ee Yuhuudda ayaa isku faro saaray Qudus, iyadoo ciidamada ammaanka ee Israel ay xabsiyada u taxaabeen Falastiiniyiin tiro badan kadib isku dhacyada labada dhinac.

In ka badan 100 ayaa la sheegay in lagu dhaawacay isku dhacyada iyadoo booliska Israel ay isku dayeen in ay kala kaxeeyaan kooxaha wadaniyada aaminsan ee Yuhuuda iyo Falastiiniyiinta deegaanadooda loogu yimi.

Rabshadaha ayaa imika ka dhacay bariga Qudus, deegaanada ay haysato Israel halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamo badan oo Yuhuud ahi.

Kooxo Israa’iiliyiin ah ayaa bilaabay in ay handadaan Falasiiniyiin ku sugnayd gaydhka Dimishiq oo ka tirsan qaybta qadiimka ah ee magaalada Qudus, halkaas oo rabshaduhu ay ka qarxeen habeenimadii Salaasada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga