Xaaladda ayaa faraha kasii baxaysa iyadoo shacabka Hindiya ay oxygyn la’aan u dhimanayaan kadib caabuqa Covid-19 oo halis galinaya dalkan ay ku noolyihiin 1.3 billion ee qof.

Tirada kiisaska la diwaan galiyay 24kii saacadood ee lasoo dhaafay ayaa ka badan kiisaskii laga diwaan galiyay wadamada oo dhan. 24kii saacadood ee lasoo dhaafay oo kaliya waxa xanuunka laga helay 349K oo qof gudaha Hindiya.

2,700 dad ka badan ayaa sidoo kale u dhintay fayraskan dilaaga ah shalay oo kaliya, taas oo argagax ku abuuraysa bahda caafimaadka iyo shacabka Hidniya oo mar kaliya ku baraarugay mawjad aanay abid hore u arag oo xanuunka ah.

Waa xaalad ay adagtahay in dawladda Hidniya ay la tacasho, iyadoo ay adkaanayso in xataa cisbitaalo loo helo dad badan marka laga yimaado xoygynta dadka naqaska kasoo qaadaysa oo gabaabsi ah.

Magaalada Delhi ee caasimadda dalkan ku yaala koonfurta qaaradda Asia ayaa ah meelaha uu sida ba’an xanuunku ugu dhuftay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga