????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Xiisad cusub ayaa soo kala dhex gashay wadamada Shiinaha iyo Australia kadib markii dawladda Australia ay sheegtay in ay ka baxday heshiisyo hore ula gashay dawladda Shiinaha.

Safaaradda Shiinaha ee Australia ayaa sheegtay in arintani ay xumayn doonto xidhiidhka u dhaxeeya labada waddan, isla arkaana waxay ugu baaqday Australia in ay ka laabato tallaabada ay qaaday.

Australia ayaa xustay in ay ka baxday laba heshiis oo gobolka Victoria uu la galay dawladda Shiianha, kuwaas oo qayb ka ahaa mashruuca suunka iyo wadada ee Shiinaha.

Xukuumadda Canberra waxay tibaaday in aanay dawladna u jeedin balse ay dib u eegis ku samaynayso xidhiidhadeeda dibadda.

Heshiisyada ay Australia ka baxday ee Shiinaha ayaa ahaa qaar horumarineed, balse Canberra ayaa la sheegayaa in ay qayb ahaan ka wlaacsan tahay saamayn sii ballaadhanaysa ee dawladda Shiinaha iyo mashaariicdeeda horumarinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga