Rabshadaha dalka Sweden ka socda ee ka dhashay kutub qur’aan oo la gubay ayaa weli sii socda.

Booliska ayaa xabsiga u taxaabay 17 qof halka dhaawacyada ay kusoo biireen 3 qof oo kale.

Kooxaha midigta fog ayaa gubay kutub qur’aan ah taas oo keentay cadho xoogan iyo kacdoono ka socda gudaha waddanka Sweden.

Magaalooyin badan oo Sweden ah waxa dab ka qabadsiiyay gawaadhi badan, booliskuna wuxuu adeegsanayaa sunta dadka lagu kala diro.

Dadka muslimiinta ah waxay dalbanayaan in dawladdu tallaabo qaado.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga