Ruushka ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeeyay magaalooyin dhawr ah gudaha waddanka Yukrayn.

Duqaymo ka dhacay Kharkiv waxa la sheegay dhimashada 5 qof iyo dhaawaca 15 kale.

Magaalada kale ee Mykolaiv oo u dhow Odesa waxa iyadana duqeeyay ciidamada Ruushka, sida uu sheegay maayirka magaaladu.

Ciidamada Yukrayn waxay iska dhego tireen digniintii ugu danbaysay ee ciidamada Ruushku ay siiyeen Mariupol oo dhan walba ay ka qabsadeen.

Illaa hadda ma jirto waan waan dagaalka lagu joojinayo iyadoo Ruushku uu xoojiyay dagaalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga