Dalka Koonfur Afrika wuxuu galay maalin kale oo kumanaan qof ay wadooyinka iskugusoo baxeen iyagoo dalbanaya in lasii daayo madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma oo xabsiga la dhigay.

Dhimashada ka dhalatay rabshadaha ayaa gaadhay 72 qof maanta xili ay weli socdaan isku dhacyada booliska iyo dadka qaska wadaa.

Deegaano badan ayaa dab la qabadsiiyay ganacsiyada suuqyada iyadoo kuwo kalena la bililiqaystay.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa kumanaan ka mid ah milatariga dalkiisa sopo hawl galiyay si ay ula tacaalaan rabshadaha. Illaa hadda waxa xabsiyada loo taxaabay in ka badan 1000 qof.

Taageerayaasha madaxweyinihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa gabi ahaanba xidhay wadooyinka muhiimka ah ilo ilaha dhaqaalaha ee Koonfur Afrika. Waxay rabshado ka wadaan badi magaalooyinka waawayn, iyagoo wax guabya, boobaya oo dilaya.

Waxa jira ajaanib lagu dilay rabshadaha oo ay ka mid ahaayeen dad Soomaali ah. Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay muwaadiniinteeda lagu dilay Koonfur Afrika iyadoo war kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda lagu xaqiijiyay dhimashada 4 muwaadin oo Soomaali ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga