Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad qoraal oo u diray Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden waxa uu kaga hadlay fursadaha kala duwan ee uu Maraykanku ka faa’iidi karo haddii uu cilaaqaad toos ah la yeesho dalka Somaliland.

Qoraalka Madaxweyne Muuse Biixi oo lagu faafiyey wargeyska toddobaadlaha ah ee Newsweek ee ka soo baxa dalka Maraykanka, waxa lagu sheegay in dalka Somaliland uu ka caawin karo dalalka dimuqraaddiga ah ee uu ka mid yahay waddanka Maraykanku sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin kala duwan ee ka taagan Gobolka iyo guud ahaan manqadaha muhiimka ah, kuwaas oo haddii aan si degdeg ah xal waara loogu helin carqalad ku noqonaya danaha istaraatiijiyadeed ee ay wadaagaan dalalka dimuqraadiga ah.

Qoraalka Madaxweynaha waxa lagu sheegay in dhibaatooyinka ay xalkooda iska kaashan karaan Somaliland iyo dalalka dimuqraaddiga ah ee uu Maraykanku ka mid yahay waxa ugu horeeya khilaafyada siyaasiga ah, shaqaaqooyinka qoomiyadaha, dagaalada hubaysan iyo colaadaha kale ee ka aloosan degaannada ku yaal Gobolka xuduudaha la leh Somaliland, isagoo xusay in dhibaatooyinkaasi ay saamayn ku leeyihiin bulshooyinka rayidka ah iyo guud ahaanba degennaanshaha Gobolka  dhan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaatooyinka kala duwan ee ka taagan Gobolka iyo Mandaqadaha ku hareeraysan Somaliland ay yihiin qaar dhaawac ku keeni kara danaha iyo qiyamka uu Maraykanku ku leeyahay, isagoo xusay arrimahaasina yihiin qaar uu ogyahay Madaxweynaha Maraykanku, taas oo ay caddayn u tahay in Madaxweyne Joe Biden uu laba Ergay oo gaar ah  si degdeg ah ugu soo magacaabay Gobolka, waxaannu Madaxweynaha Somaliland qoraalkiisa ku iftiimiyey in si wax-ku-ool ah loo xaliyo dhibaatooyinkaasi aanay u baahnayn oo qudha diblomaasiyiin Ergo ah oo loo soo magacaabo, balse ay tahay arrin u baahan in Maraykanku uu xulafo iyo saaxiib la isku halayn karo ku yeesho Gobolka Geeska Afrika.

Waxa kaloo uu Madaxweyne Muuse Biixi ku caddeeyey qoraalka in dowladda Somaliland oo la kaashanaysa diblomaasiyiinteedu ay soo dhawaynayso fursadaha muuqda ee ah in la helo dhinacyo cusub oo ay Somaliland iskaashi kala yeelan karto dalka Maraykanka, taasoo gacan ka gaysan karta in laga adkaado kooxaha xag-jirka ah, lana soo afjari karo dagaalka ka taagan dalka Yemen, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo joojin lahaa rabshadaha ka socda Itoobiya iyo in la wada ilaaliyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Caddan iyo Badda Cas oo ah mid ay isku halayn karaan inay isticmaalaan ganacsatada wax-dhoofisa ee Maraykanka iyo Ciidanka Badda ee Maraykankuba.

Geesta kale, waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi  tilmaamay in degennaasho la’aanta ka taagan Gacanka Caddan iyo  saldhigyada Millatari ee uu Shiinuhu ku leeyahay jaarka Somaliland ay carqalad ku yihiin danaha guud ee ay wadaagaan Somaliland iyo Maraykanku, loona baahan yahay in arrintaaslaga yeesho qorshe lagaga samo-tabixi karo oo ay tahay mid u taala dowladaha Somaliland iyo Maraykanka.

Qoraalka uu Madaxweynaha Somaliland u diray dowladda Maraykanka, waxa kaloo uu ku soo bandhigay fursadaha dhaqaale ee ay labada dhinac iska kaashan karaan, isagoo xusay arrintaasi ay qayb ka tahay sababaha loo maalgeliyey, loona casriyeeyey dekedda Berbera, isla markaana loo dhisayo jidka isu socodka ganacsiga ee Somaliland ku xidhaya dalalka deriska ee bilaa badaha ah, waxaannu sheegay in wadamada Geeska Afrika iyo guud ahaanba Afrika ay leeyihiin khayraad dihin oo aan weli dabboolka laga furin, loona  baahan yahay in arrintaas laga wada faa’iidaysto, waxaannu Madaxweyne Muuse Biixi soo jeediyey in iskaashiga Maraykanka iyo maalgelinaha lagu sameeyo suuqa dihin ay keenayaan horumar ku salaysan danaha dhaqaale ee waxtarka u yeelanaya in cid walba, marka laga reebo kuwa dhex tiimbanaya daymaha xad-dhaafka ah ee la dhaafsaday maalgelinta khayraadkooda dihin.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku soo qaatay  xidhiidh adag ee ka dhexeeya Maraykanka iyo dalka Taiwan oo sidoo kalena saaxiib iyo xulafo muhiim ah la ah waddanka Somaliland, waxaanu xusay fursadaha iyo danaha uu Maraykanku ka leeyahay Taiwan mid la mid ah ay ugu diyaarsan yihiin dalka Somaliland, iyadoo iskaashigaasina uu  noqonayo mid faa’iido u ah dimuqraadiyadda iyo hirgelinta xoriyadaha aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin muwaadiniinta dalalka xorta ahi.

Ugu dambayntiina waxa qoraalkan uu Madaxweynuhu ka hadlay taariikhda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee laga hirgeliyey dalka Somaliland iyo doorashooyinkii xorta ahaa ee muddooyinkii u dambeeyey ka qabsoomay, isagoo qoraalka uu u diray Madaxweynaha Maraykanka ku xusay in Madaxweyne Muuse Biixi uu yahay Madaxweynihii shanaad ee si xor ah loogu doortay dalka Somaliland, isla markaana uu isna xilka si rasmi ah ugu bannayn doono marka ay timaado in la soo doorto Madaxweynaha lixaad ee uu yeesho waddanka Somaliland, kaasoo uu xilka ugu wareejin doono si la mid ah sidii uu xilka ula wareegay, isagoo xusay in dalka Somaliland uu muddo 30 sanno ah ahaa dal xor ah oo madaxbannaan, kuna tallaabsaday horumar dhinacyo kala duwan ah isagoo aan cidna ka helin wax taageero dibadeed ah, diyaarna uu u yahay inuu la shaqeeyo dalalka dimuqraadiga ah eel aga tixgeliyo xoriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga