Qoyska AHU Ikraan Tahliil oo ahayd sarkaal ka tirsan NISA ayaa ka hadlay natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday maxkamadda milatariga ee Soomaaliya.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay AHU Ikraan Tahliil ayaa sheegtay in natiijada ay xeer ilaalinta maxkamaddu soo saartay tahay mid marin habaabin ah oo aanay aqbalahay. Qaali waxay mar kale ku celisay in ay cadaalad ka sugayaan raysalwasaaraha xukuumada federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo markii hore taageero mug leh u muujiyay qoyska Ikraan.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka raysalwasaaraha, iyadoo si wayn loo wada sugayo go’aanka uu qaato Rooble.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ay waydaycaddayn muujinaysa in Ikraan Tahliil ay ku maqantahay gacanta hay’adda NISA, balse qoyska Ikraan ayaa weli qaba in madaxda NISA ay wax ka ogaayeen dilkeeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga