Kooxda Daalibaan waxay shuruuc cusub kusoo rogtay haweenka dalkaas ee kasoo muuqda shaashadaha, iyadoo si gaar ah hadda u beegsatay kuwa dhiga riwaayadaha ama aksoo muuqda iyo kuwa ka hawl gala telefishadan maxaliga ah.

Daalibaan waxay haweenka Afrikaanistaan ka mamnuucday in ay qayb ka noqdaan muuqaalada riwaayadaha, iyadoo imika wixii ka danbeeya loo ogolaan doonin haweenka dhanka jilliinka.

Shuruuc kale ayay sidoo kale dul dhigtay haweenka ka shaqeeya telefishanada kala duwan eeb dalkaas, kuwaas oo ay khasab kaga dhigtay in ay xidhaan xijaab ama madaxooda qariyaan.

Waxa jirtay cabsi laga qabay nooca xukunka Daalibaan tan iyo markii ay xukunka la wareeegtay bishii August.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga