Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa dalbaday in xoogaga Ahlu Sunna ay ciidamada Galmudug kusoo wareejiyaan hubka gacanta ugu jira hadda.

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Ahlu Sunna usoo jeediyay in ay isasoo dhiibaan, si looga baaqsado in dagaal uu mar kale ka dhaco deegaanada gobolka Galgaduud, isagoo kulamo kala duwan la yeeshay odayaasha deegaanka.

Ahlu Sunna weli dhankeeda kamay hadal arintan, balse maamulkooda ayaa inta abdan sheega in ay hubka u haystaan si ay iskaga caabiyaan kooxda alShabaab oo dagaal ay ku wada jiraan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga