Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ballanqaaday inay qaaradda Afrika ka hirgelin doonto maalgelinta tamarta nadiifta ee dib loo cusboonaysiin karo, taas oo ay ku baxayso lacag dhan $4.5 bilyan oo doollar, si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada ee saamaynta ku yeeshay dalalka qaaradda Afrika.

Ballanqaadkan ay dawladda Imaaraadku ka samaysay oo lagu soo beegay shirweynaha caalamiga ah ee cimilada Afrika ee ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo Imaaraadka Carabtu uu sheegayo in maalgelintan ay ka samaynayaan qaaradda Afrika ay qayb ka noqonayso dedaalada caalamiga ah ee wax lagaga qabanayo dunida sii kululaanaysa iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhasha isbeddelka cimilada adduunka.

Suldan Al-jabir oo ah madaxda shirkadda dib-u-cusboonaysiinta tamarta ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dhaqaalahan xaddigiisu dhan yahay $4.5 bilyan ee doollar lagu fulin doono mashaariic lagu horumarinayo tamarta la cusboonaysiiyo ee dalalka qaaradda Afrika, taas oo uu sheegay inay qayb ka noqon doonto sidii wax looga qaban lahaa khataraha iyo masiibooyinka ka dhasha isbeddelada cimilada.

Waxa kaloo ay dawladda Imaaraadku sheegtay in haddii wax laga qaban waayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada ee qaaradda Afrika ay taasi keeni karto inay saamayso dunida kale oo dhan, sidaa darteedna ay go’aansadeen inay Afrika ka fuliyaan maalgelin la xidhiidha arrimaha degaanka iyo cimilada.

dalalka Afrika ayaa shirweynaha isbeddelka cimilada ee ka socda Kenya waxay ku soo bandhigayaan sidii dalalka horumarka gaadhay ee caalamku ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka la xidhiidha isbeddelada cimilada, iyadoo dalka Imaaraadka Carabtuna ka mid yahay dalalka danaynaya inay maalgeliyaan mashaariicda dhinaca tamarka iyo degaanka ee qaaradda Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga