Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay halka labataan kalana ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dhisme ku yaala magaalada Karaaji ee koonfurbari dalka Pakistan.

Dhismaha uu qaraxu ka dhacay ayaa ahaa mid deegaan oo dad shacab ahi ay ku jireen, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob-joogayaal ahi.

Wali lama oga sababta keentay qaraxan oo burburiyay qayb ahaan dhismaha oo bad wayn ku fadhiyay. Laamaaha ammaanka ayaana sheegaya in ay baadhayaan cidda ka danbaysay iyo sababta qaraxa keentay.

Karaaji waa magaalo hoy u ah in ka badan 20million oo qof. Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waawayn uguna dadka badan dunida. Waxa sanado badan magaaladan lagu yaqaanaa rabshado siyaasadeed, kuwo isir ku salaysan iyo rabshado kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga