Donald Trump ayaa la ogaaday in uu akoono bangi ku leeyahay dalka Shiinaha, kadib baadhitaan uu sameeyay wargayska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanku.

Sanado badan ayuu Trump hawlo ganacsi ka waday Shiinaha iyadoo ay ku jirtay sanadadan danbe ee uu madaxweynaha ahaa, sida lagu ogaaday baadhitaanka.

Madaxweyne Trump wuxuu ganacsatada Maraykanka u sheegaa in aanay wax xidhiidh ganacsi ah la samayn dalka Shiinaha, isagoo dagaal ganacsi oo uu ka badheedhay la galay Shiinaha, balse baadhitaanadan cusub ayaa weji kale u yeelaya arimaha ganacsiga ee Maraykanka iyo Shiinaha xili uu Trump-na galayo doorashada madaxtinimada muddo maalmo ah kadib.

Akoonada la helay waxa maamula qaybta hoteelada ee ganacsiyada Trump. Waxayna cashuuro bixiyeen sanadihii 2013 iyo 2015.

Sanadkii ugu danbeeyay lacag ku dhaw $200,000 ayay cashuur ahaan uga qaaday dawladdu Shiinuhu, sida mar kale lagu sheegay baadhitaanka wargayska New York Times uu sameeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga