Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliya ayaa ka war bixiyay hawl galo ay ka fuliyeen gobolka Baay ee Koonfur Galneed Soomaaliya.
Jeneraal Odowaa Raage ayaa xusay in ay dileen illaa 19 dagaalame oo ka tirsan kooxda alShabab halka qaar kalana ay soo qabteen milatariga Soomaaliya.
Hawlgalka ayaa ka dhacay degmeda Diinsoor, waxaana uu intaa ku daray Jeneraal Odowaa in ay alShabaab ka saareen deegaano badan.
Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda alShabab.