Waqooyiga Kuuriya waxay mar kale tijaabisay gantaalada rabadhka ah ee halista badan sida ay xaqiijiyeen badi dawladaha ay isku gobolka dhacaan oo ay ka mid yihiin Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Raysalwasaaraha Japan, Suga Yoshihide, ayaa Khamiista maanta oo uu hadlay wuxuu xusay in Waqooyiga Kuuriya ay xeebaheeda bari ku tijaabisay gantaaladan rabadhka ah.

Suga wuxuu intaa ku daray in gantaaladu ay ku dhaceen meel u dhaw biyaha dalka Japan. Wuxuu ku tilmaamay fal khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Gantaalada rabadhka ah ayaa laga mamanuucay Waqooyiga Kuuriya kadib qaraar ay soo saareen Qaramada Midoobay, balse Pyongyang oo dunida galbeedku ay fallaago u arkaan ayaan marna joojin tijaabinta gantaaladeeda noocyada kala duwan leh.

Tijaabooyinka Waqooyiga Kuuriya ayaa imanaya maalmo kadib markii ay tijaabisay gantaalada quusa, taas oo ay xaqiijiyeen sirdoonka Koonfurta Kuuriya oo inta badan ka warama dhaqdhaqaaqyada milatari ee Pyongynag.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga