Marin biyoodka Suways ayaa weli xidhan maalintii labaad kadib markii mid ka mid ah maraakiibta waawayn ee xamuulka qaadaa uu marinka dhexdiida ku ciladoobay.

Marakiib tiro badan ayaa ku xaniban badda cas iyo xeebaha Masar, iyadoo la dareemayo saxmad ballaadhan oo dhanka maraakiibta ah taas oo isasoo gaadhsiiyay maraakiib badan.

Dawladda Masar ayaa ku hawlan sidii makabka looga saari lahaa mainka balse dedaalada ay bilawaday ayay curyaamiyeen dabaylo iyo badda oo aan fadhiyini. Taas ayaa adkaysay in koontiidharada si dhakhso ah looga rgo markabka.

Markabka oo ah mid baaxad wayn ayaa sidoo kale badinaya mudada ay qaadan karto in lagu dhammaystiro ka rogida shixnadaha iyo in isaga meesha laga saaro.

24-kii sacaadood ee lasoo dhaafay wax yar ayuu markabku ka durkay meesha uu ku ciladoobay, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuteers. Waxay caddayn kartaa in maalmo ay qaadan karto dhammaystirka hawashu mudadaasna uu xidhnaan doono marinku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga