Waqooyiga Kuuriya waxay mar kale tijaabisay mid ka mid ah gantaalada ridada dheer ee hore looga mamnuucay dalkaas.

Waa gantaalo lagu sheegay in ay duqayn karaan badi dhulka Japan, sida ay ku warantay warbaahinta dawladda Waqooyiga Kuuriya.

Waxay jari karaan masaafo lagu sheegay in ka badan 1,500km.

Muuqaalo iyo sawiro ay baahisay Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu arkayay gaadhi wayn oo lagusoo raray gantaalka.

Wakaalada wararka ee dawladda ayaa xustay in meeshii loogu talo galay uu ku dhacay, iyadoo la arkayay in uu quusay biyaha Waqooyiga Kuuriya.

Milatariga Maraykanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay tijaabada gantaalada cusub ee xukuumadda Pyongyang, iyadoo sheegay in ay halis ku tahay wax ay ku sheegeen bulshada caalamka.

Gantaalada cusub ee Pyongyang waxay xambaari karaan madaxyada hubka wax gumaada ee nukliyeerka loo yaqaano.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hore Waqooyiga Kuuriya waxay u saareen cuno qabatayn ku aadan in aanay tijaabin karin gantaalada ridada dheer.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga