Hay’adda danbi baadhista gudaha ee Maraykanka loona yaqaano FBI waxay sii daysay warbixin dheer oo ku aadan weerarkii 11 bishii September sanadkii 2001 ka dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa amray in lasii daayo warbixinta oo muddo la hayay.

Warbixinta oo ka koobnayd 16 bog waxa si faahfaahsan ay FBI du ugaga warantay cidii taageerada siisay ragii Sucuudiga u dhashay ee ka danbeeyay afduubka diyaaradihii galay daarihii New York.

FBI du waxay bari yeeshay dawladda Sucuudiga oo sanado badan lagu eedaynayay in ay wax ka ogayd weeraradaas. Waxa lagu xusay in raga weerarka gaystay ay xidhiidh la laahaayeen muwaadiniin Maraykan ah oo ku sugnaa gudaha Maraykanka, balse aanay jirin wax caddayn ah oo loo helay in dawladda Sucuudiga lug ku lahayd.

Shakiga ahaa in Sucuudigu uu qayb ku lahaa weerarka ayaa soo baxay kadib markii la ogaaday in 15 ka mid ah 19 qof oo weerarka haystay ay kasoo jeedeen Sucuudiga, si la mid ahna uu hogaamiyihii alQaacida Usama bij Laden kasoo jeeday qoyska caanka ah ee reer boqor ee Sucuudiga.

Dawladda Sucuudigu waxay soo dhawaysay warbixinta cusub ee Washington ee lagaga fogeeyay eedaymihii ay sanadada beenin jirtay.

AlQaacida ayaa waagaas sheegatay masuuliyadda weerarada balse khubarada iyo sirdoonka dawladaha qaar ayaa weli shaki galinaya qaabka uu u dhacay, cidda ka danbaysay iyo natiijada ka dhalatay oo alQaacida aan ku koobahayn masuuliyadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga