Mohammed bin Abdulrahman Al Thani wuxuu noqonayaa sarkalkii ugu sareeyay ee shisheeye ee booqasho ku taga dalka Afkaanistaan wixii ka danbeeyay markii ay Daalibaan la wareegtay talada dalkaas.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Qatar ayaa booqasho ramsi ah ay uga bilaabantay Kabul, caasimadda Afkaanistaan.

Wuxuu kulamo la yeelanayaa saraakiisha ugu saraysa Daalibaan iyo madaxda dawladda cusub ee dhawaan dalkaas laga yagleeyay.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Qatar wuxuu la kulmay madaxweynihii hore ee Afkaanistaan Xamid Karsaay, iyo madaxii Golaha dib u heshiisiinta ahaana siyaasi mucaarad ah, Cabdullah Cabdullah. Wuxuu ugu baaqay shacabka Afkaanistaan in ay gacmaha is qabsadaan kuna midoobaan danahooda gudaha.

Daalibaan waxay soo dhamaysay taageerada Qatar, iyadoo uga mahad celisay is barbartaaga ay u muujiyeen Shacabka reer Afkaanistaan.

Qatar waxay ka mid ahayd dawlado kooban oo taageero siiyay Daalibaan. Waxay martigalisay xafiiska siyaasadda ee Daalibaan oo sanado ka hawl galayay magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, xili fallaago kooxda looga arkayay gudaha Afkaanistaan iyo indhaha reer Galbeedka labadaba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga