Putin wuxuu dhabaha u xaadhay sidii uu Ruushka ugusii arimin lahaa 16-sanno oo danbe. 67-jirkan majaraha u haya dalweynaha Ruushka ayaa ku guulaystay afti dhawaan laga qaaday dalkiisa, taaas oo loogu codaynayay wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka dalkaas. Wax ka badalka dastuurka ayaa u ogolaanaya in uu doorashada madaxtinimada u tartarmo muddo laba jeer oo danbe ah.

Illaa sanadka 2036-ka ayay ku egtahay mudada uu madaxweyne Vladamir Putin imika sharciyaystay. Da’diisu waxay markaas tahay 83-sanno.

77.9% shacabka Ruushka ayaa Putin u codeeyay in uu sii maamulo dalkaas, isna soo sharaxo doorashada qabsoomaysa sanadka 2024-ka.

Madaxa komishanka doorashooyinka ee Ruushka ayaa sheegtay in codayntu ay u dhacday si daah furan oo wax musuq ahi aanu ku jirin.

Mucaaridka Ruushka ayaa si adag ugasoo hor jeedsaday aftida, iyagoo in la qaadaba ku tilmaamay mid sharciga baal marsan. Waxay xuseen in kaliya lagu sharciyaynayay wax ay ku sheegeen Putin oo raba in noloshiisa oo dhan uu maamulo Ruushka.

Vladamir Putin oo hore ugasoo shaqeeyay sirdoonka Ruushka ka hor labatankii sanno ee ugu danbeeyay oo hogaanka Ruushka uu ka muuqday, ayaa ah nin ku xididaystay hogaanka dalkaas, isagoo isbedelo dhaqaale iyo milatariba ka sameeyay Ruushka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga