wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa mar uu ka hadlayay fadhigii 60aad ee golaha wasiirrada Somaliland, waxaa uu uga warbixinayay xaaladda xanuunka COVID-19, isagoo xusay in weli dalka uu ka jiro xanuunka COVID-19 balse ay muuqato in uu hoos u dhacayo xanuuunku., wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa golaha wasiirrada la wadaagay, in dedaaladii la waday ay suurta geliyeen in la helo qalabkii loo baahnaa, waxana uu sheegay in ay mashiinka lagu baadho xanuunka COVID-19 la geeyey magaalooyinka Burco iyo Berbera oo ay shaqaynayaan, waxa kale oo uu sheegay in ay samayn doonaan baadhis guud oo ay ku ogaanayaan heerka xanuunka ee dalka.
Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa waxaa uu sheegay inay wax ka qabteen adeegga baabuurta gargaarka degdegga ah amaba Ambulance-yada, isagoo sheegay inay gayn doonaan saddex ambulance oo cusub magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood iyo Boorama.
Wasiirka caafimaadka Somaliland oo golaha wasiirrada siinayay warbixintan, ayaa waxaa uu sheegay inay dalka kusoo wajahan yihiin lix mishiin oo ah kuwa Oxygen-ta dhaliya, sidoo kalena ay soo gaadheen 410 haamood oo ah kuwa lagu shubo neefta Oxygen.
Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay shirka 60aad ee golaha wasiirrada Somaliland, ayaa waxaa uu ka warramay barta ay marayaan dedallada nabadaynta beelaha walaalaha ah ee xurguftu ku dhex martay degmada Ceel-afwayn, ayaa waxaa uu sheegay in todobaadka soo socda ay is horfadhiisan doonaan waayeelka dhinacyada wax kala tirsanayaa.
Warsaxaafadeedkan oo ay daabacday madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in wasaaradda Shaqo-galinta, arrimaha bulshada iyo qoysku ayaa golaha horkeentay Siyaasadda shaqo-abuurka Qaran ee Somaliland, warsaxaafadeedka madaxtooyada Somaliland kasoo baxay, ayaa lagu yidhi:
Wasiirka Horumarinta Beeraha ayaa golaha uga warbixiyey in ay meel fiican u marayso dedaalkii loogu jiray dabar goynta ay kula jireen Ayaxa, waxaanu sheegay in wejigii koowaad ee hawlgalka oo ka socday gobolada galbeedka uu soo dhammaday todobaadka soo socdana laga hawlgali doono gobolada Bariga Somaliland iyadoo diyaaradaha ayaxa lagu buufinayo ay fadhiisin ka samaysan doonaan garoonka diyaaradaha Burco.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga